Cudurka CoronaVirus oo kusii faafaya Bariga Dhexe

Cudurka CoronaVirus ayaa kusii faafaya waddamo caalamka ah, waxaana wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in kiisas cudurkaasi ah lagu arkay waddamada Kuwait, Ciraaq iyo Baxrayn.

Dalka Iran ayaa sidoo kale dhimashada cudurkan ay korodhay, halka dalka Talyaaniga uu cudurka ku dhacay dad ka badan 200 oo qof.

Guud ahaan caalamka waxaa cudurkan u dhimatay in ka badan 2,400 kuwaasi oo badankoodu ku dhinteen magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha.

Haddaba Xuseen Barre Aadan ayaa fiditaanka cudurkan ka waraystay Dr Maxamed Axmed oo ah dhakhtar ka shaqeeya dalka Turkiga, waxaana uu ugu horrayn ka hadlayaa feejignaanta ka jirta Turkiga.

Your browser doesn’t support HTML5

Cudurka Coronavirus oo ku faafaya Bariga Dhexe