Taariikhdii cayaareed ee Kobe Bryant

Taageerayaasha cayaaraha ee dunida dacalladeeda ayaa la argagaxsan dareenkooda ku aadan dhimashadii deg degga aheyd ee xiddigii Kubada Koleyga Kobe Bryant.

Bryant iyo gabar uu dhaley oo 13 jir ah ayaa ka mid ahaa 9 qof oo ku dhintey shil diyaarad kuwa qummaatiga u kaca ah oo ku burburtay duleedka magaalada Los Angeles ee gobolka California.

Bryant iyo gabadhiisa ayaa u socdey tartan kubada Koleyga ah oo ay dhalinyaradu lahaayeen.

Bryant ayaa diyaaradaha qumaatiga u kaca u isticmaali jirey inuu gurigiisa uga baxo marka uu ciyaaraha tagayo. Falastiin Axmed Iiman ayaa warbixintan nooga diyaarisey noloshii iyo Taariiqda Sport ee Kobe Bryant.

Your browser doesn’t support HTML5

Taariikhdii cayaareed ee Kobe Bryant