Kenya: Waxaan ka hortagnay weerar Al-Shabaab

Booliska Kenya ayaa sheegay in ay xalay ka hortageen weerar malayshiyo ka tirsan al-Shabaab ay ku qaadeen xarun boolisku ku leeyahay deegaanka Olla oo u dhow magaalada Mandera ee gobolka waqooyi-bari Kenya.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi ay ku burburiyeen saldhig boolis iyo xarun is-gaarsiineed oo ay leedahay shirkadda Safaricom.

Dhinaca kale, dowladda Kenya ayaa adkeeysay ammaanka basaska u safra inta u dhexeysa deegaanka Lamu iyo ismaamulka Tana Riva kaddib markii ay kordheen weerarrada lagu qaado basaska rakaabka.

Warkan waxaa Nairobi ka soo dirtay Intisaar Saalax Xuseen.

Your browser doesn’t support HTML5

Amaanka basaska Kenya