Barasaabka Nairobi oo musuq-maasuuq loo xiray

Nairobi Governor Mike Sonko

Ciidamada la dagaalanka musuq maasuqa ee dowladda Kenya ayaa maanta xiray gudoomiyaha Ismaamulka magaalada Nairobi, Mike Sonko.

Sonko ayaa lagu eedeeyay inuu musuq-maasuqay lacag gaareysa 357 milyan shillinka Kenyan ah.

Sonko oo markii la xirayey lagala degay tareen ayaa la filayaa in gelinka dambe ee maanta maxkamad lasoo taago.

Warkan waxaa magaalada Nairobi kasoo diray Wariyaha VOA Khadar Maxamuud Xareed.

Your browser doesn’t support HTML5

Barasaabka Nairobi oo musuq-maasuuq loo xiray