Oslo: Muran ka taagan masjid ay Soomaalidu maamulaan

Khilaafyo xoogan ayaa ka taagan qaar ka mid ah masaajida lagu cibaadeysto ee qurbaha ee ay maamulaan Soomaalida.

Masaajiddan qaarkood ayaa noqday xarumo ay ku hardamayaan guddiyo ama wadaado u qeybsan firqooyin diimeedyo, iyo hab qabaa’il.

Murankii ugu dambeeyey ayaa ka taagan masjid ay Soomaalida maamulaan oo ku yaalla magaalada Oslo ee dalka Norway.

Sahra Cabdi Axmed oo warbixintan ku eegeysa waxa uu salka ku hayo khilaafkan.

Your browser doesn’t support HTML5

Muran ka taagan masjid ay Soomaalidu ku leeyihiin ee Oslo