Qaxooti Dhalashada Kenya Dib u Helaya

Ku dhowaad 50 kun oo qof oo xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya ku nool ayaa la sheegayaa iney yihiin dad u dhashay dalkaasi laakinse haysta kaararka aqoonsiga qaxootinimo ee xeryahaasi.

Dadkan oo la sheegay in qaxootinimadaas iney iska qoraan ay daruufo nololeed u geeyeen ayaa sababahaasi ku waayay dhalashadii iyo xuquuqdii Kenyaannimo.

Dowladda Kenya ayaa haatan wadda qorshe dadkaasi looga saarayo xeryaha qaxootiga dibna loo siinayo sharciyadoodii dhalasho ee dalkaasi.

Wariyaha VOA-da uga soo warma gobollada waqooyiga Bari Kenya Maxamed Faarax Shire ayaa warbixintan Gaarisa nooga soo diray.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhagayso Warbixinta Qaxootiga Kenya