Shirka Shidaalka Afrika oo lagu qabtay Koonfur Afrika

Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika waxaa lagu soo gabagabeeyay Shirkii Todobaadka Shidaalka Africa oo sanadkan wadamo dhowr ah oo Afrikaan ah oo ay Soomaaliya ku jirto ay uga faa’ideysteen inay ku soo bandhigaan macluumaadka shidaalkooda.

Waxaa kaloo shirkaasi ka qeyb galay shirkado caalami ah, dad maalgashadeyaal ah, iyo shirkadaha saliidda dhoofiya.

Wasiirka Batrolka ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa shirkaasi ka sheegay in Soomaaliya ay u jiheysatay sidii ay uga faa’ideysan laheyd kheyraadkeeda Shidaalka.

Hadaba, Maxamed Colaad Xassan ayaa shirkan wax ka weydiiyay Proffesor Cabdisalaam Siyaad Cameey oo Jaamacadda Western Cape ee duleedka magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ka dhiga cilmiga dhulka iyo macdanta ku jirta ee (Geology), kana mid ahaa aqoon-yahankii ka qeyb galay shirkaasi.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhagayso Shirka Shidaalka Afrika