Djibouti oo ka digtay duufaan kusoo wajahan Geeska Afrika

Dowladda Djibouti aya maanta ka digtey waxyeelada ka soo gaari karta duufaan la sheegay inuu ku soo wajahanyahay xeebbaha Geeska Afrika.

Wakaaladda saadaasha hawada ee dalka Djibouti ayaa tilmaamtey in duufaanku aanu saameyn doonin Djibouti hase yeeshe daruurraha kasoo go'ay duufaanta ay ku keeni karaan Djibouti roobbab wata biyo fara badan iyo daadad.

Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Saadaasha Hawada ee Djibouti Maxamed Ismaaciil Nuur ayaa wariyaha VOA-da Ramadan Muuse marka hore uga waramay sida duufaantu ugu soo durkeyso xeebaha Geeska Africa.

Your browser doesn’t support HTML5

Djibouti oo ka digtay duufaan kusoo wajahan Geeska Afrika