Al-Shabaab oo weeraray saldhig ku yaalla Wajeer

Shabaab

Maleeshiyada ururka Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday saldhig ku yaalla tuulada Dhada-Jabula ee magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Booliska ayaa sheegay in raggaasi ay doonayeen inay halkaasi ka furtaan laba ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab oo saldhigaasi ku xirnaa.

Ilo booliska ah ayaa warbaahinta Kenya u sheegay in labadii maxbuus ee halkaa ku xirnaa ay dhinteen intii uu weerarku socday.

Wariyaha VOA-da Khadar Maxamud Xareed ayaa warbixintan ka soo diray Nairobi.

Your browser doesn’t support HTML5

Al-Shabaab oo weeraray saldhig ku yaalla Wajeer