Isu socodka gaadiidka Nairobi iyo Mandera oo dib loo furay

Waxaa maanta mar kale dib u billowday isu socodka gaadiidka dadweynaha ee ka dhex shaqeeya magaalooyinka Mandhera iyo Nairobi kuwaas oo shalay ay dowladda Kenya u hakisay sababo amni la xiriira.

Kenya ayaa shalay sheegtay in jidadka lagu arkay maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab oo doonaya inay fuliyaan weeraro.

Cabdicasiis Cabdinuur oo ah maamulaha shirkadda basaska ee Maka ayaa VOA-da u sheegay in isu socoka gaadiidka ay maanta dib u bilaabatay oo uu baskooduna haatan ku sii jeedaan Nairobi.

Caasho Ibrahim oo kula xiriirtay khadka taleefanka ee magaalada Mandhera ayuu u faah faahiyay xaalada howshooda iyo halka uu gaarigoodu hadda marayo.

Your browser doesn’t support HTML5

Isu socodka gaadiidka Nairobi iyo Mandera oo dib loo furay