Dagaal qaraar ayaa ka socda dalka Liibiya kaasi oo u dhexeeya maleeshiyada u daacadda ah hoggaamiyaha Jeneral Khaliifa Xaftar iyo dawladda caalamku aqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay magaalada caasimadda ah ee Tiriboli.
Dagaalladan ayaa la sheegay inay dhibaato kasoo garatay dadka muhaajiriinta ah ee ku sugan waddankaasi oo ay ku jiraan boqollaal Soomaali ah.
Arrintan ayaa Maxamed Cabdi Sandheere uu ka waraystay Dr. Xuseen Yuunis Xasan oo ka tirsan saraakiisha Qaramada Midoobay kuna sugan Tiriboli.
Your browser doesn’t support HTML5
Dhageyso Dagaalka Libya