Ciidamada Kenya oo ka baxay Buusaar

Ciidamada Kenya

Ciidamada Kenya ayaa ka baxay Deegaanka Buusaar ee hoostago degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo halkaasoo ay haysteen dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Ciidamada Kenya, oo kamid ah howlgalka AMISOM, ayaa wararku ay sheegayaan in ay degeen degmada Ceel-Waaq Soomaaliya.

Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in deegaanka oo A-Shabaab aysan ka fogeyn suuragal ay ka dhigayso inay dib u qabsadaan

Wararkii ugu dambeeyey ee guurista ciidanka Kenya iyo xaalada deegaanka ayaa Jacfar Kuukaay waxa uu ka wareystey Col. Warfaa Sheekh oo ka mid ah saraakiisha ciidmada dowlada ee gobolka Gedo.

Your browser doesn’t support HTML5

Ciidamada Kenya oo ka baxay Buusaar