Mareykanka oo xayiraad cusub saaraya Venezuela

Elliott Abrams

Ergayga gaarka ah ee Dowladma Mareykanka ugu qaabilsan arrimaha siyaasadda ee dalka Venezuela, Elliott Abrams, ayaa sheegay in maamulka madaxweyne uu todobaadkan ku dhawaaqi doono cunaqabateeno cusub oo lagu soo rogo doono Venezuela.

Diblamasaaigani wax faah-faahin ah kama uusan bixinin cunaqabateynta cusub ee la saarayo dowladda Venezueal, balse wuxuu sheegay in si gaar ah loo beegsan doono hey’adaha maaliyadda maaliyadda iyo sharkhsiyaad lagu soo rogi dooni xayiraad dhinaca dalkugalka Mareykanka ah.

Mareykanka wuxuu horay cunaqabateyn u saaray saraakiil dhanka amaanka ah, shirkadda soo saarta shidaalka ee ay dowladda Venezuela maamusho iyo bankiga ay isla leeyihiin Ruushka iyo Venezuela.

Xayiraaddan cusub ee uu Mareykanka saarayo Venezuela ayaa kusoo beegmeysa xilli uu xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ku dhawaaqay in maamulka madaxweynha Trump uu xirayo safaaradda uu Mareykanka ku leeyahay magaalada Caracas.