Meydka gabar Soomaali ah oo laga helay California

Imperial, California

Meydka gabar ayaa Isniintii laga helay guri ku yaalla magaalada City Heights ee gobolka California.

Gabadhan oo 36 ahayd ayaa magaceedu yahay Muna Salaad, waxaana la arkay iyada oo sariirteeda saaran dhiig badanina madaxa iyo wajiga ka yaallo.

Sida ehelada marxuumaddu ay VOA u sheegeen, waxaa dilkeeda loo aaneynayaa ninkeedii. Dhowr maalmood oo baaris lagu sameynayey meydka Muna Salaad, waxaa hadda la siiyey qoyskeeda, si ay u aastaan.

Ifraax Salaad oo ay walaalo ahaayeen ayaa Maxamed Cabdi Sandhere khadka telefonka ugu warrantay.

Your browser doesn’t support HTML5

Meydka gabar Soomaali ah oo laga helay San Diego