Soomaali ka qeyb gashay bandhig cunto oo Dubai lagu qabtay

Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta waxaa shalay lagu soo gaba-gabeeyay carwo dhinaca ganacsiga cuntada ah. Carwadan ayay shirkadaha yar yar iyo kuwa dhexe oo meelo badan oo dunida ah ka kala yimid waxay ku soo bandhigayeen badeecadahooda.

Shariikado badan oo Soomaali ah ayaa lagu casuumay bandhiggaasi, laakin qaar yar ayaa halkaasi tagay ka dib markii ay caqabado ka soo wajaheen fiisooyinka dal ku galka.

Ibrahim Xassan Daandureey ayaa bandhiggaasi wax ka weydiiyay Cabdirahman Maxamed Rashiid oo ka socday shirkadd Somali Fresh Fruit, oo ka mid aheyd shirkadihii sanadkan fursadda u helay inay bandhiggaasi ka qeyb galaan iyo Xirsiyo Cabdulle Siyaad oo ka socotay shirkadda Somali Fresh Fruit and Vegetables.

Your browser doesn’t support HTML5

Bandhiga carwada cuntada ee Dubai1