Spectrum Geo oo war ka soo saartay khilaafka Soomaaliya iyo Kenya

Shirkadda Spectrum Geo ee baarista ku sameysay xirmooyinka shidaalka ee Soomaaliya ayaa war ka soo saartay arrinta is qab qabsiga Kenya iyo Soomaaliya.

Shirkaddan ayaa baaris ku sameysay xirmooyin shidaal ee Raaskambooni illaa iyo Hobyo, waxana suuq qeyntooda lagu soo bandhigey bishan magaalada London.

Spectrum, ayaa war qoraal ah ka soo saartey sida ay wax u jiraan iyo wixii hotelka Claridge’s ee London ka dhacay, waxayna sheegtay inaysan jirin wax xirmooyin shidaal ah oo halkaas lagu iibiyey. Macluumaadka xirmooyinka la aruuriyey ee halkaas lagu soo bandhigeyna ay yihiin kuwo ku yaalla gudaha xuduudka Soomaaliya.

Qoraalka shirkada Spectrum Geo oo uu ku sixiixan yahay ku xigeenka madaxa shirkada ee arrimaha Afrika iyo Bariga Dhexe, Graham Mayhew, ayey ugu horeeyn ku tilmaameen in suuq geynti xirmooyinka shidaalka ee 7-dii bishan lagu qabtey dalka Ingiriiska uu guul ku dhammaadey.

Warka shirkadda ayaa sidoo kale lagu sheegey baaxadda meelaha shidaalka laga sahmiyey oo ay ku sheegeen in uu gaarayo illaa 20,185 KM, kaas oo ay macluumaadka ay heleen ku qaadeen aaladda loo yaqaan 2D.

Deegaan ahaan, waxa ay shirkaddu sheegtay in meelaha ay soo bandhigeen ay yihiin dhanka waqooyi ee uu ka ka billaambo xuduudka Puntland, halka geeska kalana, uu dhaco koonfurta dalka ee xudduudka Kenya.

Qoraalka shirkada Spectrum Geo, waxa ku lifaaqan khariirada badda ee macliimaadka laga aruuriyey.