Maraykanka oo soo qaadaya qaxootigii xeryaha Nauru

Dawladda Australia ayaa sheegtay in hadda wixii ka dambeeya ayna caruur ku heyn doonin xeryaha dadka magan-galyo doonka ah ee ku yaalla Jasiiradda Nauru ee Badweynta Pacifiga.

Kooxdii u dambeysay ayaa hadda isku diyaarinaya in iyaga iyo qoysaskoodu ay u soo duulaan dalka Maraykanka, arrintaas oo qeyb ka ah heshiis ay wada gaareen labada dal.

Haddaba faahfaahinta arrimahan ayaa Maxamed Cabdi Sandhere uu ka wareystay Xasan Jaamac oo ah madaxa Laanta Af-Soomaaliga ee Idaacadda SBS ee dalka Australia.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Qaxootiga Australia