Waaxda House of Commons Library oo baarlamanka UK la wadaagta cilmi-baarista iyo macluumaadka arrimaha siyaasadda ayaa soo bandhigtay warbixin looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dowladda Soomaaliya.
Warbixinta ayaa ka hadashay waxyaabihii Soomaaliya u qabsoomay iyo wixii aan u suurto-galin tan iyo 8 February 2017-kii markii uu doorashada ku guulaystay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo sidoo kale dowladii Xasan Sheekh Maxamud ee sanadihii 2012-2017-ka.
Warbixinta ayaa lagu eegay xaaladaha amaniga, siyaasadda, gargaarka bani’aadanimo iyo doorashooyinka.
Hadaba Wariyaha VOA-da Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa akhriyay warbixintan oo ka kooban 22 bog. Xuseen Barre Aaden ayaa khadka taleefanka kula xiriiray ayaa weydiiyay inuu faahfaahiyo warbixintan.
Your browser doesn’t support HTML5