Soomaalida Nairobi oo dibadbax dhigay

Soomaalida ku nool xaafadda Islii ee magaalada nairobi ayaa maanta halkaasi ka oogay banaanbax ay uga soo horjeedaan weerarkii dabley hubaysan ay talaadaddii la soo dhaafay ku qaadeen dhismaha DusitD2 ee xaafada Westland ee Nairobi.

Soomaalida xaafadaa ku dhaqan ayaa maalmihii la soo dhaafay oo dhan walaac ka qabay jawaabta ay hey’adaha amaanka ee Kenya ka bixin doonaan weerarkaas, oo uu sheegtay ururka Al-Shabaab, gaar ahaan in ciidamadu ay soo bartilmaameedsadaan Islii.

Wariyaha VOA-da Khadar Maxamuud Xareed ayaa tagay dibadbixii maanta warbixintan ayuuna nooga soo diray Nairobi.

Your browser doesn’t support HTML5

Soomaalida Nairobi oo dibadbax dhigay