Ciidanka amniga Kenya oo dad kasoo saaraya hoteelka la weeraryay ee ku yaalla Nairobi, Kenya, on January 15, 2019.
WASHINGTON. D.C —
Ugu yaraan 15 ruux ayaa la sheegay in ay ku dhinteen weerarki ay shalay maleeshiyo ka tirsan Al Shabaab ku qaadeen hoteel ku yaalla magaalada Nairobi.
Warbaahinta Kenya ayaa ku warrantay in dad ka badan 30 ruux la geeyay isbitaallada magaalada Nairobi, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca uu intaasi ka bato.