Allaha u naxariistee waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku geeriyooday Cabdi Maxamed Ciye (Cabdidheere) oo ka tirsanaan jiray xulkii qaranka Soomaaliya iyo kooxdii Jeenyo ee cayaaraha Basketball-ka.
Cabdidheere oo ka mid ahaa cayaarotydii u qaxay Canada kadib dagaalladii sokeeye ayaa dhowr bil ku xanuunsanaa Toronto.
Wixii ka horeeyay xanuunkiisa wuxuu tababare u ahaa dhallinyarada Soomaalida iyo kuwa kale ee ajaaniibta ah ee xiiseeya cayaaraha basketball-ka ee magaalada Toronto.
Wariyaha VOA-da Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa geerida Allaha u naxariistee Cabdidheere ka wareystay Faarax Jaamac Nuur (Oday) oo saaxib la ahaa marxuumka.
Your browser doesn’t support HTML5
Cayaaryahan Cabdi Dheere oo ku geeriyodoay Canada
Sidoo kale, wariyaha VOA-da Jaamac Buule Jaamac ayaa geerida Cabdidheere ka wareystay Siciid Jaamac Qoorsheel Iyo Axmed Daahir Axmed oo ay saaxibbo iyo cayaartooy hore isla ahaayeen.
Your browser doesn’t support HTML5
Wareysiyo la xiriira geerida Cabdi Dheere