Soomaali weerar ka gaystay Australia

Booliska dalka Australia ayaa sheegay maanta oo Jimca ah in nin Soomaali ah uu mindi ku weeraray saddex qof, magaalada Melbourne, isagoo mid ka mid ah dilay, ka hor inta aysan boolisku toogan.

Booliku waxey sheegeen in ninkan uu watay gaari uu gaas saarnaa oo markii dambe dab qabsaday, iyagoo intaa ku daray inay weerarka u tixgelinayaan sidii weerar argagixiso.

Wariyaha VOA-da Jamaal Axmed Cusmaan ayaa dhacdadan ka wareystay, Cabdullaahi Maxamuud Cumar (Garfiiq) oo ah suxufi jooga magaalada Melbourne.

Your browser doesn’t support HTML5

Soomaali weerar ka gaystay Australia