Mareykanka oo ka baxaya heshiiska Nukliyeer INF

Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa u muuqda inay ka go’an tahay inuu ka baxo heshiis lagu xakameynayo hubka oo Mareykanka uu Ruushka la galay 1987-kii, kadib markii la-taliyaha amniga qaranka Mareykanka John Bolton uu Moscow kula kulmay madaxweyne Vladimir Putin.

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku eedeeyey Ruushka inay ku xadgudbayaan Heshiiska xakameynta hubka nukliyeerka ee riddada dhexe, ayaga oo daadgureynaya gantaallo.

Bolton ayaa xadgudubka Ruushka ku sheegay “mid aad u qoto dheer oo muddo soo socday”

“Halistu maaha ka bixitaanka Mareykanka ee heshiiska INF. Halista waa Ruushka oo mar horeba daad-gureeyey gantaallo” ayuu yiri Bolton.

“Mowqifka Mareykanka waa in Ruushka ku xadgudbayaan heshiiska, mowqfika Ruushkuna waa inaysan ku xadgudbeyn, sidaas darteed waa in la is-weydiiyaa side Ruushak ugu hogaansami karaan arrin aysanba rumeysneyn inay ku xadgudbayaan” ayuu yiri Bolton.

Bolton ayaa kadib wada-hadalladdii Moscow shaaca ka qaaday in ogeysiis rasmi ah oo ku saabsan ka bixitaanka heshiiska ay diiwaan-gelin doonaan dhowaan.