Kanada: Soomaali loo doortay golaha deegaanka Victoria

Sharmaarke

Golaha deegaanka ee magaalada Victoria ee dalka Kanada, ayaa waxa dadka golaha deegaanka ka soo galay ka mid noqdey Sharma'arke Dhuubow oo Soomaali ah.

Waxyaabaha xiisaha badan ayaa ah in Dhuubow uu sanad ka hor qaatay dhalashada dalka Kanada, isagoo ka soo baxay magaalo ay dadka Soomaalida ay aad ugu yar yihiin.

Jamaal Axmed Cismaan ayaa qadka telefoonka kula xiriirey Dhuubow, waxana uu weydiyay waxa ku kallifey isagoo muddadaasi yar jooga Kanada in uu xilkan isku soo taago.

Your browser doesn’t support HTML5

Kanada; Soomaali loo doortay golaha deegaanka Victoria