Madaxweyne Geelle oo tagey Jeddah

Geelle iyo boqor Salman

Wararka ka imanaya dalka Jabuuti ayaa sheegaya in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu maanta tagay magaalada Jeddah ee dalka Sucuudiga.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jabuuti ayaa ku sheegay bartiisa Twitter-ka in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu la kulmay boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis.

Ilaa hadda ma cadda waxa laga hadlay. Maalintii shalay ayey ahayd markii waddamada Eritrea iyo Itoobiya ay heshiis ku kala saxiixdeen magaalada Jeddah.

Xuseen Barre Aadan ayaa arrimahan ka waraystay weriyahayaga Ramadana Muuse.

Your browser doesn’t support HTML5

Madaxweyne Geelle oo tagey Jeddah