Madaxweyn Cagjar: Calanka Dowlad Deegaanka Waa La Baddalaya

Madaxweynaha Cusub ee dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay VOA ku sheegay in la baddali doono calanka dowladda deegaanka, isla markaana dib loo soo celin doono calankii ay hore ay uga muuqatay astaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Cagjar ayaa dhinaca kale sheegay in ahmiyadda koowaad uu siin doono sidii uu u soo celin lahaa xuquuqda aadanaha ee gobolka oo uu sheegay in si weyn loogu tuntay. Sahra Cabdi Axmed ayaa madaxweynaha cusub ee DDSI khadka taleefonka ku wareysatay.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Wareysiga Madaxweyne Cagjar