R.W Itoobiya oo Jimcaha la Kulmaya Madaxda DDSI

Abiy Ahmed

Ra'isulwasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa la filayaa in maalinta berrito ah uu la kulmo madaxweynaha cusub ee Dowlad Deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Xibsiga haya talada Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa shalay madaxweyne u doortay Mustafe Muxumed Cumar oo si rasmi ah u baddalay madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar.

Haddaba arrimahaasi oo dhan ayaa Xuseen Barre Aadan uu ka waraystay Khadar Abdi Ismail oo ahaa Madaxii hore ee Xarunta Dhexe ee Xisbiga haatanna ah xildhibaan degaenka Soomaalida.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso wareysiga ay VOA la yeelatay Khadar C. Ismaaciil