Warkii ugu dambeeyay xaaladda Jigjiga

Madaxweynihii shalay xilka ka degay ee dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa lagu soo waramayaa in ciidammada militariga federaalka ay u kaxeysteen dhinac magaalada Addis Ababa.

Illo ku dhow dhow maamulka ayaa u sheegay VOA in ciidamadan ay saakay isku geedaameen guriga Cabdi Maxamud Cumar. Talaabadan ayaa xiisad hor leh ka abuurtay magaalada Jigjiga.

Wariyaha VOA Maxamed Colaad Xassan ayaa qadka taleefanka kula xiriiray, Suldaan Cabdulkaahi Bashiir oo ka mid ah salaadiinta Soomaalida Itoobiya oo haatan ku suggan Jigjiga.

Your browser doesn’t support HTML5

Cabdi Maxamuud Cumar oo ay ciidamo kaxaeysteen

Dhinaca kale, waxaa soo baxaya warar isqilaafsan oo la xiriira qaabka Cabdi Maxamuud Cumar ay ciidamadu u kaxeeyeen iyo inuu raali ka ahaa iyo in kale.

Maxamed Colaad Xassan ayaa sidoo kale khadka taleefanka ee Jigjiga kula xiriiray Guuleed Cali Faahim, maareyaha guud ee hay’adda Cilmi Baarista dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, horeyna u ahaa duqii magaalada Jigjiga. Waxa uu weydiiyay waxa ka jira wararka sheegaya in Madaxweynaha xoog lagu kaxeeyay.​

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi Duqii hore ee Jig jiga

Dhinaca kale, wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Jijjiga ayaa sheegaya in magaaladu ay degen tahay. Nuur Xassan Nuur ayaa xaaladda magaalada wax ka weydiiyay wariye Maxamed Ibrahim Ruush.

Your browser doesn’t support HTML5

Warki ugu dambeeyay ee Jigjiga