Jabuuti: Magdhow ayaan siineynaa DP World

Shirkadda laga leeyahay dalka Jabuuti ee maamusha Dekadda Doraleh ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin inay magdhow ka bixiyaan heshiiskii ay ka baxeen ee u dhexeeyay iyaga iyo Shirkadda Dubai Ports World ee laga leeyahay Imaaraadka.

Shirkaddan ayaa sheegtay inay doonayaan inay DP World u celiyaan saamiigii ay ku lahayd dekedda Doraleh oo ahaa boqlkiiba 33.

Guddoomiyaha Dekadaha iyo Aagga Cashuurta ka Caaggan ee Jabuuti Abubakr Cumar Xaddi ayaa VOAda u sheegay inay talabaadaasi u qaadayaan si ay u kala baxaan labada shirkadood. Wuxuuna arrintan uga warramay Xuseen Barre.

Your browser doesn’t support HTML5

Jabuuti oo rabta inay magdhow siiso DP World