HRW: Jirdil ayaa ka dhaca xabsiga Jeel Ogaadeen

Human Rights Watch

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay maanta soo saartay ku sheegtay in xadugudbyo arxan darro ah, jirdil, kufsi, iyo ceebeyn, ay ka dhacaan xabsiga Jeel Ogaadeen ee deegaanka Soomaalida Ethiopia.

“Saraakiisha asluubta iyo xooggaga ammaanka ayaa sanado badan si aan kala sooc lahayn xarig iyo jirdil ugu geystay maxaabiista xabsiga deegaanka Soomaalida Itoobiya ee loo yaqaan Jeel Ogaadeen” Human Rights Watch ayaa sidaa ku sheegtay warbixinteeda oo ka kooban 88 bog.

Warbixinta oo cinwaan looga dhigay, “Waxaanu Nahay Sida Meydka” ayaa sidoo kale sheegtay in aanay maxaabiista inta badan helin daryeel caafimaad, la kulamidda ehelkooda iyo qareennadooda halka mararka qaarna loo diiddo cunnada. Waxaa tacaddiyadaasi qeyb ka ah, ayey tiri warbixinta, ilaalada xabsiga oo ay ka mid yihiin ciidanka sida milateriga u tababaran ee Liyu booliska.

Human Rights Watch ayaa sida ay sheegtay waraysatay ku dhawaad boqol qof oo isugu jira xubno ka tirsan xooggaga ammaanka, mas’uuliyiin dowladda ah, iyo 70 qof oo horay loogu xiray xabsigan, waxaana ay diiwaangelisay tacaddiyadii ka dhacay Jeel Ogaadeen mudadii u dhexeysay 2011 ilaa horraantii 2018.

“Maxaabiista ayaa sheegay in inta la qaawiyay lagu hor garaacay dadka kale ee xabsiga ku jiray, iyo in lagu qasbay inay maxaabiista hortooda ku sameeyaan falal dullinimo ah si loo cabsi geliyo kuwa kale” ayay tiri warbixinta.

Human Rights Watch ayaa ugu baaqday Ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya, Dr Abiy Axmed, inuu degdeg u amro baaritaanno lagu sameeyo xaaladda xabsigaas, ayna dowladda ay xaqiijiso in xooggaga ammaanka ee deegaanka iyo mas’uuliyiintaba lagula xisaabtamo dembiyada lagu eedeeyey.

Dhinaca kale, Idris Ismaaciil Cabdi oo ah wasiirka arrimaha xiriirka dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa eedeymaha HRW ku tilmaamay kuwa aan raad laheyn.

Waxa uu sheegey in ciidamada ilaalada xabsiyada ay yihiin kuwa loo tababaro sidii ay si wanaagsan ula dhaqmi lahaayeen maxaabiista ay ilaaliyaan.

Jamaal Axmed Cismaan ayuu khadka telefoonka ugu warramay.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Idris Ismaaciil Cabdi