Tirada Qaxootigii Mareykanka Imaan Jirey oo Yaraatay

Afghanistan IDP

Xarumaha ka shaqeeya dib u dejinta dadka qaxootiga ah ee soo gala dalkan Mareykanka ayaa billaabay inay dhimaan shaqaalahooda, isla markaana soo yareeyay howlihii ay hayeen iyagoo awaamiirta ka qaadnayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Maamulka Madaxweyne Trump ayaa ayaa aqbalay 10 Kun oo qaxooti ah horaantii sanadkan, taasoo ka dhigan tiradii ugu hooseeysay muddo 38 sanadood ah oo barnaamijka qaxootiga dalkan uu socday.

Dadka u dooda arrimaha qaxootiga ayaa ku doodaya in siyaasadan dhimista shaqaalaha qaxootiga iyo tirada uu Mareykanku qaabilayo ay leedahay waxyeelo joogto ah.

Wariyaha VOA Bill Rodgers ayaa tagay xarun dadka dib u dejin u sameysa oo ku taala Magaalada Lancaster, gobolka Pennsylvania. Waa kan Xuseen Barre Aden oo inoo soo jeediya.

Your browser doesn’t support HTML5

Dib u dejinta Qaxootiga Mareykanka oo hoos u dhacdey muddo sanado ah