Ethiopia: Abiy Ahmed oo loo Doortay Madaxa EPRDF

Xisbiga talada haya ee dalka Ethiopia ayaa gudoomiye u doortay Abiy Ahmed, oo ah siyaasi Muslim ah oo kasoo jeeda qowmiyada Oromada ee Itoobiya.

Tallaabadan ayaa waddada u xaareysa in Abiy Ahmed uu noqdo Ra’isulwasaarihi saddexaad ee ay Itoobiya yeelato muddo 23 sano ah.


Ku-dhawaaqiddan ayaa timid ka dib bilo dibadbaxyo xoog badan oo ay ka jiray gobolada Oromada iyo Amxaaradda, dibadbaxyadaas oo keenay in la sii daayo siyaasiyiin caan ah iyo warfidiyeeno dawladda u xirnaa.


Waxa kale oo ku dhawaaqistani imanysaa ka dib markii uu is casilay Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Hailemariam Desalegn.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Magacaabista Abiy Ahmed