Canada oo Diidan Canshuuraha uu Mareykanka soo Rogey

Ra'isulwasaaraha dalka Canada, Justin Trudeau ayaa ka horyimid go’aanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku sheegay in uu cashuur dhan 25% ku kordhinayo birta dibadda laga keena iyo 10% oo Aluminiyamimka ah.

Justin Trudeau ayaa hadalkaan sheegay shaley isaga oo intaa ku darey in uu diyaar u yahay difaacida warshadaha Canada. Dalka Canada ayaa ah wadanka ugu badan ee ee labada macdanba u dhoofiya Mareykanka.

Ra'isulwasaaraha wadankaasna waxaa uu ka digey in qiimahan canshuurta cusub ay dhaawici doonto shirkadaha Mareykanka laftooda iyo shacabka, marka qiimaha ay kor u qaadaan canshuurahan la soo rogey.