Danjire Afey: USA Haka Laabato Go'aankii Hakinta Qaxootiga

Toddobaadkan waxay ku buuxdaa sannad markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu saxiixay amarka madaxweyne ee uu ku hakinayey qaxootiga toddoba waddan oo Muslimiinta u badan, isagoo sabab uga dhigay waajib ka saaran ilaalinta amaanka Mareykanka.

Waddamada dadkooda xannibaadda lagu soo rogey waxaa ka mid ah Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee hay'adda qaxootiga adduunka ugu qaabilsan Soomaalida, danjire Maxamed Cabdi Afey ayaa ugu baaqay dawladda Maraykanka inay ka laabato go'aankaas, isagoo sheegay in dadka Mareykanka loo qaadayo ay yihiin kuwa ugu nugul qaxootiga.

Haaruun Macruuf ayaa la yeeshay waraysigan gaarka ah ugu horrayna waxa uu weydiiyey sida amarka Trump uu u sameeyey qaxootiga Soomaalida ee loo soo qaadi jiray Maraykanka.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysiga Ergeyga UNHCR ee Soomaaliya