Mareykanka oo Laga Xusayo Maalinta Martin Luther King

MLK - Lincoln Memorial

Dalkan Mareykanka waxaa maanta looga dabbaal degayaa dhalashada halgamaagii dadka Madow ee Mareykanka Martin Luther King.

Luther King ayaa dalkan Mareykanka lagu xusuustaa hal-gankiisii soo shaac baxay sanadkii 1955tii illaa iyo lixdamaadkii ee uu ku doonayay xuquuqda dadka madow, iyo khudbadiisii caan baxday ee ( Waan Riyoonayaa, ama I have a dream) ee uu ka jeediyay socodkii dhaq dhaqaaqii xuquuqda madaniga uu ka sameeyay magaaladan Washington bishii March sanadkii 1963dii.

Wariyeheenna Sahra Cabdi Axmed ayaa taariikhda Luther King iyo dhaq-dhaqaaqii xuquuda Madaniga ka wareystay Professor Maxamed Xaaji Mukhtaar oo barre ka ah Jaamacadda Savana ee dalkan Mareykanka.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Kumuu ahaa MartinLK