Mucaaradka Jabuuti oo ka shirey ka qeyb galka doorashooyinka soo socda

Dalka Jabuuti, waxaa la isku diyaarinayaa doorashada baarlamaanka ee bisha dambe dhici doonta, waxaana soo baxaya hardan iyo loolan siyaasadeed.

Dhinaca kale, wadahadallo la sheegay inay baryahan u socdeen qaybo ka tirsan mucaaridka Jabuuti oo ujeeddadoodu ahayd inay ka qayb galaan iyo in kale doorashooyinkaasi ayaa lagu soo warramayaa in la isku af-garan waayey.

Jaamac Cabdiraxmaan Candhoole, oo ka mid aha mas'uuliyiinti mucaaridka ee ka qeyb qaatey kulamadaas ayuu weriyahayaga Ramadaan Muuse uga warramay wadahadalladaasi.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Candhoole

Dhinaca kalena, Maxamed Axmed Yuusuf (Rabbaash) oo isna ka mid ah mas'uuliyiinti mucaaridka ee ka qayb qaatey kulamada ayaa isagu sheegay inaysan burburin wadahadallada mucaaradka.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Rabbaash