Saraakiil: Ninkii fuliyey qaraxa New York waxaa dhiiri geliyey ISIS

Saraakiisha booliska New York ayaa sheegay in ninkii fuliyey qaraxii fashilmay ee shalay ka dhacay magaaladaas uu internet-ka ka daawaday muuqaalo borobogaando ah oo ay sameysay kooxda Daacish.

Waxa ay sidoo kale sheegeen inuu sheegay inuu weerarka u fuliyey si uu uga aarguto wax uu gu yeeray gardaradda milatariga Mareykanka.

Mas’uuliyiinta ayaa ninkan la tuhunsan yahay ku sheegay 27 jir lagu magacaabo Akayed Ullah oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Bangladesh, islamarkaana horey u wadi jiray taksi.

Weerarkii isniinta ayaa ka dhacay jid dhulka hoostiisa mara oo isku xira terminalka basaska ee dekedda New York iyo qadka tareenada ee ku yaalla Times Square.

Tuhmanaha ayaa waxaa loo qaaday isbitalka oo hadda looga daweynayo gubniin xooggan oo kasoo gaaray qaraxa.

“Kani wuxuu ahaa isku day weerar argagixiso” waxaa sidaas yiri duqa agaalada New York Bill de Bilasio, oo sheegay inay mahad tahay inuusan ku guuleysan hadafkiisa.