Dadka Naafada ah oo ku Kulmay Ethiopia

Waxaa shalay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia lagu soo gaba gabeeyay kulan ay 10-kii sanaba mar isugu yimaadaan naafada dalalka ku jira Midowga Africa. Kulanka sanadkan ayaa looga hadlayay in qiimeyn lagu sameeyo guulaha laga gaaray horumarinta duruuufaha ay ku nool yihiin naafada Africa.

Cabdiraxmaan Maxamed Faarax (Cadbiraxmaan Luunge) oo ah agaasimaha arrimaha naafada ee xafiiska madaxtooyada Soomaaliya, kana mid ah naafada Soomaaliyeed, ayaa kulankaasi uga qayb galay Soomaaliya. Caasho Ibrahim oo khadka taleefanka kula xiriirtay ayuuna uga warramay guud ahaan kulanka iyo qodobada ka soo baxay.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Wareysiga Shirka Naafada