32 Qof Soomaali ah oo lagu Dilay Ethiopia

Ugu yaraan 32 qof oo Soomaali ah ayaa habeen hore lagu dilay deegaanka Hawadaay ee bariga dalka Ethiopia.

Dilalkan ayaa daba socda rabshado u dhexeeyay maalmihii la soo dhaafay dadka Oromada iyo Soomaalida ee dalka Ethiopia.

Oramada ayaa ku eedeesay ciidamada Liyuu Booliska ee dawlad deegaanka Soomaalidu inay dad ka dileen, hase ahaate afhayeen u hadlay ciidamadaasi ayaa laanta afka Oromada ee VOA-da u sheegay inay arrintaasi wax ka jirin.

Haddaba si aan macluumaad dheeraad ah uga helno dilalkan u dambeeyay ayuu Xuseen Barre waxaa uu arrintaasi ka warraystay Boqor Cali Cumar Allaale oo ah xildhibaan hore oo laga soo doorto deegaanka dadka lagu dilay , waxaana uu ugu horayn weydiiyay sida ay wax u dhaceen.

Your browser doesn’t support HTML5

Soomaali lagu dilay Ethiopia