Korea-da Koonfureed oo Wada-hadal Usoo Jeedisay K/Waqooyi

Madaxweynaha Korea-da Koonfureed Moon Jae-in

Korea-da Koonfureed ayaa maanta soo jeedisay wada-hadallo milatari oo ay la gasho Korea-da Waqooyi, kuwaas oo ujeedadoodu tahay in lagu qaboojiyo xiisadda ka aloosan xuduuda labada dal.

Wasaaradda gaashaandhigga Korea-da Koonfureed ayaa sheegtay inay dooneyso in wada-hadallada maalinta jimcaha lagu qabto xaafadda xabad joojinta xuduudda ee Panmunjon.

Illaa iyo hadda ma jirto wax jawaab ah oo kasoo baxay Korea-da Waqooyi.

Haddii wada-hadallada ay dhacaan waxa ay noqon doonaan kuwii ugu horreeyey ee dhex mara labada dal tan iyo bishii December ee 2015.

Madaxweynaha Korea-da Koonfureed, Moon Jae-in ayaa xafiiska yimid bishii March, isaga oo u ololeynaya in si toos ah loola hadlo dowladda Korea-da Waqooyi.

Dhinaca kale hay’adda Laanqeyrta cas ee dalka Korea-da Koonfureed ayaa maanta ku baaqday in kowda August lagu qabto xaafadda Panmunjon kulankii dib loogu mideyn lahaa qoysaska ku kala nool labada dal ee uu kala gooyey dagaalkii Korea.