Faahfaahin: Go'aankii Maxkamadda Sare ee Mareykanka

Dad kasoo baxaya Maxkamada Sare ee Washington, June 26, 2017.

Maxkamada Sare ee Mareykanka ayaa sheegtay inay dib u eegeyso kiiska amarki uu madaxweyne Donald Trump uga mamnuucay inay Mareykanka soo galaan qaxootiga iyo muwaadiniinta kasoo jeeda lix wadan oo ka mid ah dalalka Islaamka.

Dikareetada madaxweyne Trump ayaa dhigeysay in mudo 90 cisha aysan imaan karin Mareykanka muwaadiniinta dalalka Somalia, Sudan, Iran, Libya iyo Yemen. Sido kale qaxootiga ayaanan soo gali karin mudo 120 maalmood ah.

Hadaba go'aanka Maxkamadda siduu u saameyn doonaa qaxootiga, muxuuse kaga duwanyahay kuwi hore. Warbixintaan waxaa ka diyaariyey Nur Hassan Nur.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixinta uu Nur Bukhari ka diyaariyey Amarki Maxkamada Sare ee Mareykanka