Khilaafka Dalalka Gacanka oo sii Xoogeysanaya

Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dalalka uu horkacayo Sacuudiga iyo dalka Qatar ayaa weli taagan, una muuqda mid sii xoogeysanaya.

Imaaraadka Carabta ayaa ku amray bangiyada dalkaas inaysan la macaamilin Qatar taasoo muujineysa in xal mudada dhow ah oo laga gaaro arrintan uusan muuqan.

Dowladahan Imaaraadka iyo Sacuudigu ay ugu weyn yihiin ayaa ku eedeeyay Qatar inay taageerto kooxaha argagixisada.

Wakaaladda Wararka ee AP ayaa qortay warbixin dheer oo ay ku eegeyso xiriirka Qatar ay la leedahay Iran iyo ururada Islamiga ah.

Wariyeheenna Jacfar Kukay ayaa inoo soo koobaya.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixin: Jacfar Kuukaay