Dadka reer Qatar oo suuqyada ka gadanaya cuntooyinka daruuriga ah ee magaalada Doha kadib marki ay ay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka xiriirka u jareen. (@shalome05 via AP)
WASHINGTON. D.C —
Dalalka Kuwait iyo Turkey ayaa bilaabay dadaalo diblamaasiyadeed oo ay ku qaboojinayaan xiisadda ka taagan dalalka Khaliijka ee go,doomiyey Qatar.
Axadii ayey aheyd marki ay Sucuudiga, Imaaraadka, Baxrayn, Masar, Yemen iyo Liibiya ay ku dhawaaqeen in ay xiririka u jareen dawladda Qadar oo ay ku eedeeyeen inay taageerto argagixisada.