Duullaanka Madaxfurashada ee Internetka

Kooxo Computerada Jabsada ayaa weerar ku qaaday in ka badan 150 waddan oo caalamka ah, taas oo maanta oo Isniin ahna uu weerarkaasi sii faafay.

Laanta Booliska Yurub ayaa sheegay in weerarkani uu saameeyey ugu yaraan 100,000 oo hay’adood oo ku kala yaalla illaa 150 waddan, waxaana dhacaysa in marka kooxdani Computerka jabsato inay qafilanayaan macluumaadka iyo xogta kuugu jirta Computerka iyaga oo dalbanaya in la siiyo madaxfurasho.

Illaa haatan horumar xooggan lagama samaynin sidii loo ogaan lahaa cidda weeraradan soo qaadday.

Khubarada dhinaca ammaanka Computerada ayaa sheegay in computerada gaar ah ee isticmaalaya barnaamijyadii u dambeeyey inay ka badbaadi karaan weeraradan, waxayse ku booriyeen dawladaha iyo shirkadaha waweyn inay hubiyaan hannaanka ammaanka Computerada ama inay keensadaan nidaam cusub oo ay kaga hortegi karaan weerarada noocana.

Khubaradan dhinaca amaanka Computerada ayaa ka digay in shirkadaha la jabsaday Computer-adooda, inaanay madaxfurashada laga dalbaday ee gaadhaysa illaa $300 aanay ku bixinin nidaamka lacageed ee Bitcon, taasoo keeni karta inaan la tixraaci Karin cidda lacagtaas la siiyey.

Kooxaha weerarka geystay, marka ay la wareegaan Computerkaaga waxaa dhacaysa inay ku siiyaan fursad ah, inaad lacagta ku bixiso muddo toddoba maalmood ah, haddii aad bixin waydo, waxaa dhacaysa inay tirtirayaan dhammaan macluumaadka Computerkaas kuugu jira.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Weerarka Internetka