Kenya oo 50 Qof oo ay Qabatay ku Celisay Soomaaliya

Kenya

Ciidamada booliska dowladda Kenya ayaa toddobaadkii hore deegaanka Miingi ee gudaha dalka Kenya ku qabtay gaari ay saarnaayeen in ka badan 50 qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo isugu jiray haween iyo caruur.

Baaritaan dheer kadib dowladda Kenya ayaa dadkaan dib ugu celisay Soomaaliya waxayna ku wareejisay maamulka deegaanka Dhoobleey ee gobbolka Jubbada Hoose.

Gudoomiyaha maamulka Dhoobleey Siyaad Maxamed Xasan ayaa u waramay wariyaha VOA khadar Maxamuud Xareed oo ku sugan magaalada Nairobi.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Guddoomiyaha Dhoobley