Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xubnaha xisbiga Jamhuuriga ugu hanjabay inuu barnaamijka daryeelka caafimaad ee Obamacare sidiisa ku deyn doono, oo uu arrimo kale diiradda saari doono, haddii aysan maanta u codeyn barnaamij kaas beddel u noqon doona.
Illaa iyo maanta ma cadda kadib maalin wada xaajoodyo ahaa, hadii sharci-dejiyayaasha Jamhuuriga ay haystaan taageero ku filan, si ay u ansixiyaan sharciga cusub ee daryeelka caafimaad oo muddo ay ballan qadaayeen.
Trump ayaa wada-hadal la galay sharci-dejiyayaasha, hase yeeshee ku guul darreystay inuu taageero ka helo xubnaha kooxda muxaafidiinta ee House Freedom Caucus, islamarkaana sii fogeeyey xubnaha qunyar socodka Jamhuuriga.
Guul-darrada isaga iyo afhayeenka qalka wakiilada Paul Ryan ee ah inay codad ku filan oo taageera u helaan sharcigan ayaa sii kala qeybiyey xubnaha Jamhuuriga ee mar u mideysnaa inay beddelaan sharciga Obamacare.