Wareysi la Xiriira Soomaali Lagu Dilay Mareykanka

24-kii bishii tagtay ee Febraayo, waxaa isbitaalka magaalada Pittspurgh ee gobolka Pennsylvania ku geeriyooday nin Soomaali ah oo 31 jir ah kadib markii ay si xun u garaaceen afar dhallinyaro ah oo raacay taksigiisa.

Booliiska ayaa qabtay afartaasi qof, waxaana dilka niinkaasi oo lagu magacaabi jiray Ramadaan Maxamed uu si weyn u argagax geliyey bulshada Mareykanka.

Haaruun Macruuf ayaa dilka ninkan ka waraystay Aweys Maliya oo ku sugan Pennsylvania oo ay isla soo koreen, islamarkaana ehel ahaayeen kana mid ahaa dadkii booliisku tuseen maydkiisa si loo aqoonsado.

Your browser doesn’t support HTML5

Soomaali lagu dilay Mareykanka