Yabarow iyo Jawiga Washington DC ee Maanta

Madaxweynaha dooran ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa in maanta uu si rasmi ah u noqdo madaxweynaha 45-aad ee Mareykanka, kadib marka uu xilka kala wareego madaxweyne Barak Obama.

Ku dhawaad hal milyan oo ruux ayaa goob jog u noqon doonta munaasabada lagu caleema saarayo laguna dhaarin doono madaxweyne Trump, halka malaayiin ruuxna ay ka daawan doonaan shaashaddaha caalamka.

Haddaba sida maanta ay tahay magaalada Washington DC iyo dareenka guud ee ka jira ayaa waxaa ka warramaya madaxa laanta Af-Soomaaliga ee VOA Cabdiraxmaan Yabarow.

Your browser doesn’t support HTML5

Yabarow iyo dareenka Washington