Fallanqeyn: Faro-gelinta lagu Sameynayo Gambia

Waddamada Galbeedka Afrika oo ay ugu horreeyaan Senegal iyo Nigeria ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ciidamo u diraan dalka Gambia, waxaana maanta ku eg muddada loo qabtay in madaxweyne Yahya Jammeh uu xilka ku wareejiyo Adama Barrow oo ka guulaystay doorashadii dhacday 1-dii December ee lasoo dhaafay.

Madaxweynaha la doortay ee dalka Gambia Adama Barrow ayaa maanta sheegay in caleemo saarkiisa lagu qaban doono safaaradda Gambia ee dalka deriska la ah ee Senegal, kadib markii hoggaamiyaha muddada dheer hayey

Barrow ayaa ku guuleystay doorashadii madaxweynaha ee dhacday kowdii December. Jammeh, oo hadda ka hor wacad ku maray inuu Gambia xukumi doono “Balaayiin sano” ayaa markii hore aqbalay natiijada, hase yeeshee waa uu beddelay maskaxdiisa isaga oo tuhmaya qaladaad dhinaca codadka ah.

Haddaba maxay ka dhigan tahay in waddamada Afrika ay ku dhaqaaqaan tallaabo milatari si ay u ilalaiyaan natiijada doorashada? Su’aashaa iyo kuwo kale ayaa Axmed Cali Sheekh uu hordhagy Cabdiwahabn Sheekh Cabdisamad oo ah khabiir ka faallooda arirmaha Afrika kuna sugan Nairobi.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Cabdi Wahaab Cabdi Samad