Djibouti oo Dib u Celineysa Qaxooti Ethiopian ah

Djibouti

Dawladda Djibouti iyo hay’adaha qaabilsan muhaajirtiinta ayaa billaabey iney ka dhoofiyaan garoonka diyaaraddaha ee Djibouti dad tahriibayaal ah oo u dhashey Ethiopia oo laga so celiyey dalka Yemen.

Xafiiska Djibouti ee taakuleynta dadka qaxootiga iyo kuwa tabaaleysan iyo hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNCHR ayaa hawlahaasi u wada si wada jira ah.

Madaxa xafiiska Djibouti ee qaxootiga Xuseen Xasan Dharaar ayaa weriyahayaga Djibouti Ramadaan Muuse uga warraya dadka sida ay u celinayaan.

Your browser doesn’t support HTML5

Jabuuti oo celineysa qaxooti